Tammer1.jpg

Liban Sheikh

Tampere, Pirkanmaa

Nolol maalmeed

Waxaan wadaa siyaasad dhaqaale oo bulshada u wanaagsan. Waxaan rabaa dadka dalkan dagan in laga warhaayo oo nolol maalmeed fiican loo bandhigo sidookale waxaan wadaa siyaasada shaqada in arimaha shaqada laga warhaayo oo dadku lagu dhiiri galiyo. Dhaqaalaha kasoko waxaa loo baahanyahay waxbarasho loo simanyahay oo bilaash iyo siyaasad ka hor tageeso cunsurinimo.

Cadaalad

Siyaasadaan wado waxaa uugu muhiimsan bulshada oo wanaagsan iyo dadka oo siman. Waxaan ka hor tagaayaa in dadka la kala hooseesiiyo iyo isbadalka cimilada arimahaas wey wada socdaan lamana kala reebi karo. Doorashada waa muhiim in uu soo baxo qof kasoo hor jeedo cunsurinimo oo la jiro cadaalada.

Ecology

Ubadkeena xuqquuqdooda waxaa ka mid eh dhaxalkaan uuga tagidoonno inuu ahaado dhul, dhir iyo cimilad nadiif. Hammigeyga waa in tamarta la cusboonaysiin karo, cuntada dhirta ku salaysan in la badsado oo 2030 Finland sy ahaato dal hawwo nadiif.